Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Anne Kananu oo dhawaan loo dhaarin doono xilka guddoomiyaha Nairobi

Anne Kananu oo dhawaan loo dhaarin doono xilka guddoomiyaha Nairobi

Waxaa dhawaan la filayaa in ismaamulka Nairobi uu ugu dambeyn yeesho guddoomiye rasmi ah.
Ku xigeenka barasaabka dowlad deegaanka Nairobi Anne Kananu ayaa toddobaadkan loo dhaarin doonaa in ay noqoto guddoomiyihii saddexaad ee caasimadda dalka tan iyo markii sanadkii 2010-kii la soo saaray dastuurka hadda wadanka lagu maamulo.
Xafiiska isgaarsiinta ee xarunta dowladda hoose ee City Hall ee magaalada Nairobi ayaa xaqiijiyay in qorshaha dhaarinta Anne Kananu ee barasaabka magaala madaxda wadanka uu marayo heer gabo gabo.
Tani ayaa ku soo aadeyso ka dib markii maxkamadda sare ee dalka ay meesha ka saartay dacwad racfaan ah oo uu gudbiyay guddoomiyihii Nairobi Mike Sonko oo uu kaga soo horjeeday in ku xigeenkiisi Anne Kananu loo dhaariyo xilka guddoomiyaha caasimadda dalka.
Maxkamadda sare ayaa diiday codsiga Sonko iyadoo u sababaysay inaysan awood u lahayn inay soo bandhigto dacwadda uu gudbiyay.
Bishii hore ayay ahayd markii maxkamadda racfaanka ay go’aamisay in Anne Kananu loo dhaariyo xilka guddoomiyaha Nairobi.
Magaala madaxda dalka ee Nairobi ayaa guddoomiye la’aan ahayd tan iyo bishii 12-aad ee sanadkii hore xilligaasi oo Sonko xilka laga xayuubiyay.
Sida sharcigu qabo, haddii booska barasaabka banaanaado ama xilka laga xayuubiyo, ku xigeenkiisa ayaa la wareegaya xilka guddoomiyaha inta ka hartay muddo xileedkiisa.
Bishii koowaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii barasaabkii xilka laga qaaday ee Mike Sonko uu u magacaabay Anne Kanunu ku xigeenkiisa, balse turxaan bixinteeda waxaa dib u dhigay kiis maxkamadeed oo la gudbiyay.
Waxaa ay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi horraantii sanadkan ay turxaan bixiyeen Anne Kananu oo loo soo magacaabay ku xigeenka guddoomiyaha caasimadda dalka, waxayna ansaxiyeen inay xilkan buuxiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments