Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Sacuudi Carabiya oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday hooyga ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq

Sacuudi Carabiya oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday hooyga ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq

Wasaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay cambaareyneyso iskuday lagu doonayay in laga takhaluso ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi.
Waxaa weerarka loo adeegsaday mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku tilmaantay fal argagixiso oo fuleynimo ah, sida laga soo xigtay TV-ga Al-Carabiya ee laga leeyahay dalka Sacuudiga.
Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drones ayaa weerarka ku qaaday hooyga ra’iisul wasaaraaha dalka Ciaaq ee magaalada Baghdad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Ilo wareedyo ka tirsan waaxyaha ammaanka ee Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 6 ka mid ah ciidamada ilaalada ee ra’iisul wasaaraha dalkaasi.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda falkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments