Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Nuurdiin Xaaji oo beeniyay inuu khilaaf kala dhexeya dhigiisa DCI

Nuurdiin Xaaji oo beeniyay inuu khilaaf kala dhexeya dhigiisa DCI

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in isaga iyo dhigiisa dambi baarista George Kinoti aynan ka dhexeyn wada shaqeyn wanaagsan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in mararka qaar si aan sax ahayn loo fasiro tallaabooyin ay qaadaan hay’adahan.
Mr. Xaaji ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan khalad ahayn in mid ka mid ah labadan waaxood uu tago maxkamadda iyadoo uu codsanaya faahfaahin sharciyeed oo ku aaddan arrin lagu kala aragti duwan yahay.
Dhanka kale waxaa uu mas’uulkan sheegay in dhawaan la guda geli doono howlaha dacwad oogidda ee kiiska dilkii Agnes Wanjiru oo dhacay 9 sano ka hor kaasoo lagu eedeyay sarkaal u dhashay Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments