Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Raila Odinga oo maanta isku soo bax ku qabtay Islii

DHAGEYSO:Raila Odinga oo maanta isku soo bax ku qabtay Islii

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo maanta isku soo bax siyaasadeed ka sameeyay California, xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji magaalada Nairobi ayaa mar kale difaacay qorshihiisa ah in hadii uu sanadka soo socdo ku guulaysto xilka madaxtinimada wadanka uu bil kasta qoysaska danyarta ah siin doono 6,000 oo shilin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qorshahan uu yahay mid la dhaqangelin karo isagoo dhaliil u jeediyay siyaasiyiinta aan weli hadalkiisa rumeysan.
Mr. Odinga ayaa xusay in dhaqangelinta qorshahan uu u adeegsan doono khibradiisa maadaama uu horay maamulladii kala duwanaa ee dalka soo maray uu xilal ka soo qabtay.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in la guda galayo waxa uu ku tilmaamay kacdoon dhaqaale oo dhallinyarada shaqo la’aanta ah lagu garab qabanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments