Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Mandera:Nin xabsi daa’in lagu xukumay ka dib markii uu faraxumeeyay gabadh 11-sano...

Mandera:Nin xabsi daa’in lagu xukumay ka dib markii uu faraxumeeyay gabadh 11-sano jir ah

Maxkamad ku taalla magaalada Mandera ayaa xabsi daa’in ku xukuntay nin gabadh 11-sano jir ah faraxumeen u gaystay.
Aadan Ibraahim, ayaa ka soo hor muuqday garsooraha maxkamadda magaalada Mandera Kimani Mukabi oo xukunka ku riday.
Sida ku cad warbixinnada ka soo baxay xafiiska agaasimaha dambi baarsita, garsoorka ayaa adeegsaday caddeymo ay keeneen laba qof oo markhaati ah si uu go’aanka u gaaro iyada oo ay jireen warar sheegaya in la waayay feelkii baarista ee booliska.
Markii dhageysiga dacwadda, maxkamadda ayaa maqashay in maalintii falkan dhacay in gabadha hooyadeed ay u yeertay Ibraahim inuu u dhiso meel cunnada guriga ay ku keydsato, markii ay guriga imaaatay 7-da fiidnimo waxay aragtay gabadhii oo miir daboolan.
Warbixinnada ayaa sheegaya in gabadha yar ay sheegtay in ninku uu sankeeda wax u mariyay ka hor inta uusan kufsi u gaysan.
Xubnaha dacwad soo oogida oo uu hor kacayo Patrick Onjaro ayaa codsaday in la kansalo codsiga Ibraahim ee ah in lagu siidaayo damiin maadama uu sheegay inuu u hanjabay gabadha aabaheed.
Garsooraha xukunka soo saaray ayaa xusay in faragelinta markhaatiga ay caqabad ku tahay kiisaska noocan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments