Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Adeegyada M-PESA oo saacado xanibnaan doono laga bilaabo caawa

Adeegyada M-PESA oo saacado xanibnaan doono laga bilaabo caawa

Shirakadda isgaarsiinta ee Safaaricom ayaa shaacisay in dhammaan adeegayda M-PESA ay hakad geli doonaan muddo saacado ah, laga bilaabo saqda dhexe ee caawa ilaa 4-ta aroornimo ee berri.
Ogaysiiis ay shirkaddu soo saartay maanta ayay ku sheegtay inay caqabaddaan saameyn doonto dhammaan macaamiisha adeegyada lacagaha telefoonnada la isugu gudbiyo iyo sidoo kale bangiyada.
Dhammaan adeegyada iyo iibsashada kaarka hawada la isugu gudbiyo ayaa macaamiisha shirkadda u shaqeyn doonin inta howsha dayactirka ah lagu guda jiro sida ay shirkaddu sheegtay.
Dayactirka ayaa lagu sheegay mid loogu buuxinaya baahiyaha macaamiisha shirkadda Safaricom.
Safaaricom ayaa macaamiisheeda ka raali gelisay muddadaas ay xanibaadda jiri doonto, waxayna sheegtay inay uga gol-leedahay sidii ay u fududeyn lahayd dhammaan adeegayda kala duwan ay bulshada siiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments