Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo maanta gaaray deegaana Bohol

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo maanta gaaray deegaana Bohol

Waxaa Maanta gaaray Deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud wafdi Saraakiil ah oo uu horkacayo Taliyaha Ururka 6aad ee Guutada 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya General Aadan Abshir Nuure, halkaas oo ay ku sugan yihii Xubno Sar sare oo ka tirsan Ahlusunna.
Ujeedada saraakiishaan ay u tageen degaanka Bohol ayaa waxaa lagu sheegay xal ka gaarista arrinta Ahlusunna ee ku aadan dhameynta tabashada ay qabaan iyo ka gudbida waxyaabihii ka dhashay dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Guriceel ee isla Gobolka Galgaduud.
Maalmihii la soo dhaafay kulamo uu janeraal Aadan Abshir la yeelanayey Siyaasiyiinta, Madaxda Galmudug iyo Waxgaradka Deegaanka ayaa la Go’aamiyey in halkaasi Maanta uu tago isaga iyo Masuuliyiinta la socota kadibna wada-hadallo ay bilaabaan.
Saraakiisha ka socota Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaay kulamo la qaadan doonaan Xubnaha hoggaanka Ahlusunna si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug.
Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaa dhawaa ka dhacay dagaal geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhimac ah iyo ciidanka Ahlusunna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments