Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Martha Koome oo ku gacan seyrtay baaq dhawaan kasoo yeeray madaxii hore...

Martha Koome oo ku gacan seyrtay baaq dhawaan kasoo yeeray madaxii hore ee cadaaladda ee dalka

Ka dib markii dhawaan madaxii hore ee cadaaladda ee dallka Dr. Willy Mutunga uu dhammaan saraakiisha garsoorka ugu baaqay inay qaadacaan howlaha maxkamadaha ilaa inta uu madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta kasoo magacaabayo lix garsoore ee uu diiday.
Hadalka kasoo yeeray guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee dalka ayaa waxaa gaashanka u daruuurtay madaxa cadaaladda ee wadanka Martha Koome.
Bayaan ay soo saartay Mrs. Koome gelinkii dambe ee shalay ayaa waxa ay muujisay sida ay uga xun tahay baaqa kasoo yeeray Dr. Willy Mutunga.
Waxaa ay xustay in ay la macno tahay kicinta la doonayo in lagu carqaladeeyo helitaanka caddaaladda ee Kenyaanka.
Waxaa ay taa beddelkeeda ku boorrisay garsoorayaasha dalka inay iska indhatiraan baaqyada xun ee aan wanaagsaneyn, islamarkaana ay diiradda saaraan dib u habaynta horumarka leh oo ay ku jiraan helidda habab lagu dhimayo dib u dhaca kiisaska maxkamadaha dalka hor yaalla.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii maxkamadda sare ee dalka ay soo saartay amar madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta looga dalbanaya inuu muddo 14 cisho gudahood ah ku soo magacaabo 6 garsoorayaal ayuu maxkamadda racfaanka ee dalka ku wargeliyay inuusan go’aankaasi ku qancin.
Waxay sheegeen in haddii hoggaamiyaha dalka uunan fursaddan ka faa’iidaysan marka ay dhamaato muddada loo qabtay ka dib, xakiinnada loo aqoonsan doono kuwo magacaaban oo ka shaqeyn karo maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments