Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo maanta la soo gaarsiinaya tallaalka COVID19 oo dheeraad ah

Kenya oo maanta la soo gaarsiinaya tallaalka COVID19 oo dheeraad ah

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa la filayaa inay maanta dowladda Maraykanka kala soo wareegto 990,990 oo ah daawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 gaar ahaan nooca loo yaqaano Pfizer .
Waxaa tallaalkan gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ku guddoomi doonto xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Mercy Mwangangi .
Tani ayaa qayb ka ah tallaal dhan 4.8 milyan oo uu Maraykanka ugu deeqay wadamada Kenya, Chad, Masar iyo Gabon.
Daawooyinkan ayaa kaalin wayn ka qaadan doono xoojinta dadaalka ay dowladda dhexe ugu jirto in dhammaadka sanadkan caabuqa corona laga tallaalo ugu yaraan 10 milyan oo qof.
Sidoo kale xukuumadda Washington ayaa shaacisay inay Midowga Afrika u oggolaan doonto inuu soo iibsado 33 milyan oo kuuro oo ah nooca Moderna ee horay loogu tala galay Maraykanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments