Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Booliska Soomaaliya iyo AMISOM oo amniga doorashada ka shiray

Booliska Soomaaliya iyo AMISOM oo amniga doorashada ka shiray

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Booliska howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay dardargelinta sugidda amniga doorashooyinka & hawlaha hortebinta u leh Guddiga Amniga Doorashooyinka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga doorashooyinka ayaa sheegay in Guddiga Amniga Doorashooyinka ay ka go’an tahay in doorashooyinka dalku ay ku dhacaan jewi nabad & caddaalad ah.
Saraakiisha Ciidamada Booliska AMISOM ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay kaalin weyn ka qaadan doonaan sugida Amniga doorashooyinka Golaha Shacabka ee dhawaan ka bilaabanaya dalka.
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo kan AMISOM ayaa la filayaa inay siweyn uga qeyb qaataan sugida amniga doorashooyinka dalka oo loo xilsaaray, si doorashooyinka ay u noqdaan kuwo lagu kalsoon yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments