Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya AMISOM oo beenisay inay qayb ka noqotay dagaalkii Guriceel

AMISOM oo beenisay inay qayb ka noqotay dagaalkii Guriceel

Kadib markii dhawaan hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca ay ku eedeeyeen Ciidanka AMISOM inay ka qeyb qaateen dagaalkii Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug kula galeen Guriceel ayaa waxaa eedayntaas ka jawaabay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin eedeynta ah in Ciidamadooda ka qeyb qaateen dagaalkii Guriceel ayna taageereen Ciidanka dowladda, isla markaana eedeymahaas ay hihiin kuwo aan xaqiiqo ahan oo la doonayo in khilaaf laga dhex abuuro AMISOM iyo Bulshada Soomaaliyeed
AMISOM waxay sheegtay in Howlgaladooda oo ay ku jiraan kuwa milatariga iyo taageerada Ciidanka DFS, uu waajibaadkoodu yahay kan ay bixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayna howlahooda u fuliyaan in si adag loo dhawraa howlgallada iyo Xeerarka Hawlgelinta.
Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in Ujeedka howlgalladooda yihiin inay hoos u dhigaan awooda AI-Shabaab kana caawiyaan Ciidanka Dowladda dadaalka ay ugu jiraan soo afjarida argagixisada, nabad ku soo dabaalida dalak Soomaaliya iyo bixinta taageerada amniga si ay awood ugu yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dmaamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda dowlada dhexe howlahooda shaqo oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka iyo ammaanka.
Qoraalka kasoo baxay AMISOM oo aad u dheeraa ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in AMISOM oo fulinaysa waajibaadkii loo igmaday, ay xoojisay ciidamadeeda ku sugan Dhuusamareeb, si ay u sugaan ammaanka doorashada, balse aysan jirin wax taageero ah oo ay siiyeen dowladda Soomaaliya heer qaran iyo mid gobol si ay ula dagaalamaan Ciidamada Ahlusunna sidoo kale sinaba uga qayb qaadan iska-hor-imaadyadii hubeysnaa ee dhiigga badan ku daatay ee ku dhexmaray dowladda iyo Ahlusunna magaalada Guriceel ama meel kale.
” Tan iyo markii uu dagaalku ka dhacay Guriceel, AMISOM oo qayb ka ah beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa si joogta ah ugu baaqday dhinacyada inay joojiyaan dagaalka oo ay raadiyaan in khilaafkooda lagu xaliyo wadahadal. AMISOM way
sii waday dadaalka maadaama ay si weyn u aaminsan tahay in dhibaatooyinka haysta daneeyayaasha Soomaaliyeed ee Galmudug ay yihiin kuwo asalkoodu yahay mid siyaasadeed, lagana yaabo, in lagu xalliyo hab wada xaajood ah.
AMISOM, waxay doonaysaa inay si cad u sheegto in ciidamadeedu ay u joogaan Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab, ISIS iyo kuwa raacsan, ma aha inay qoryahooda u soo jeediyaan daneeyayaasha Soomaalida ee khilaafyada siyaasadeed kala dhexeeyaAN dhinacyada kale ee Soomaalida ayaa lagu soo geba-gabeeyay qoraalka ka soo baxay howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments