Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wararkii ugu dambeeyay doorashada Puntland iyo Deni oo codkiisa dhiibtay

Wararkii ugu dambeeyay doorashada Puntland iyo Deni oo codkiisa dhiibtay

Waxaa si habsami leh u socata doorasha qof iyo codka ah ee ay dhiibayanayaan dad weynaha Puntland, iyadoo subaxnimadii hore ee saaka ay dadku safaf dhaadheer galeen si ay u codeeyaan.
Magaalooyinka Qardho, Ufeyn iyo Ayl ayay doorashadu si toos ah uga bilaabatay, waxaana wali socda cod bixinta ay sameynayaan dadka degaanadaasi ku nool, oo wali codadkooda dhiibanaya.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa goobjoog ka ah doorashada, waxaana sidoo kale ku sugan degmooyinka ay codbixintu ka socoto guddiyada doorashooyinka.
Dad isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa cododkooda dhiibanaya, waxaana la arkayaa dad waayeel ah oo ku sugan safafka hore ee doorashada oo codeynaya.
Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan halka ay codbixintu ka socoo ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay doorashada qof iyo codka ah ee ka socota degmooyiinka kala ah Eyl, Qardho iyo Ufeyn.
Waxaana Siiciid Deni uu si gaar ah kaga codeeyay degmada Qardho oo ka mid ah Saddexda degmo ee saaka ay ka bilaabatay doorashada qof iyo codka ah.
Ammaanka guud ee goobaha codbxiinta ayaa la adkeeyay, waxaana gelinkii hore ee shalay la geeyay magaalooyinka loo asteeyay doorashada Ciidamo aad u farabadan,kuwaasi oo sugi doona ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments