Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Degmooyin ka tirsan Puntland oo ay ka bilaabatay doorasho qof iyo cod...

Degmooyin ka tirsan Puntland oo ay ka bilaabatay doorasho qof iyo cod ah

Waxaa saakay ka bilowday Saddex kamid ah degmooyinka degaannada Puntland Doorashooyinkii ugu horreeyay oo qof iyo cod ah oo golayaasha deegaanka ah, kuwaas oo Maalmihii la soo dhaafay loogu jiray diyaar garoow xooggan.
Doorashooyinka ayaa waxaa ay ka socdaan saddex degmo oo kala, Qardho, Eyl iyo Ufayn, oo ka kala tirsan gobollada Nugaal, Karkaar iyo Bari,.waxaana ku tartamaya Ururrada siyaasadeed ee kajira Maamulka Puntland.
Doorashooyinka ka socda Saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa waxaa ku tartamaya 8 urur siyaasadeed, waxaana laga codeynayaa 54 xarumood, waxaana kaararka codeynta qaatay 37,578, sidoo kale waxaa ku tartamaya 449 musharrax, waxaana qorshuhu yahay in la doorto 87 kursi oo ay degmooyinka u kala leeyihiin Qardho: 33 kursi, Eyl 27 kursi iyo Ufeyn:27 kursi
Waxaa aad loo adkeeyay amniga degmooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka, waxaana Guddiga doorashooyinka ay amreen in taleefoonada laga reebo dadka codeynaya, waxaana sidoo kale la joojiyay isku socodka Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments