Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Doorasho madaxtinimo oo maanta ka dhacaysa dalka Uzbekistan

Doorasho madaxtinimo oo maanta ka dhacaysa dalka Uzbekistan

Codbixiyayaasha wadanka Uzbekistan ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho ay ku soo xulanayaan madaxweyne cusub.
Wararka ayaa intaa ku daraya inuusan jirin musharrax mucaarad oo awood leh oo la tartamaya hoggaamiyaha hadda talada haya ee dalkaasi Shavkat Mirziyoyev sidaas awgeedna ay u badan tahay inuu mar kale guulaysto.
Waxaa madaxweyne Mirziyoyev oo talada Uzbekistan qabtay sanadkii 2016-kii la tartamaya afar musharrax oo daacad u ah maamulkiisa.
Codeynta ayaa billaabatay 8-dii subaxnimo ee saacadda wadanka Uzbekistan oo ay ku nool yihiin 34 milyan oo qof.
Dadweynaha ayaa codkooda dhiiban doono ilaa 8-da fiidnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments