Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Xaalad deganaansho ah oo Guriceel laga soo sheegayo saaka

Xaalad deganaansho ah oo Guriceel laga soo sheegayo saaka

Wararka ayaa sheegaya inay saaka degan tahay xaaladda degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud bartamaha dalka Soomaaliya, halkaasoo shalay ilaa xalay muddo 12 saacadood ka badan ay ku dagaalmayeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ciidanka Ahlusunna.
Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen saraakiil katirsan Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna, warbaahinta gudaha ayaana sheegaysa in ilaa 20 askari ay dagaalkii shalay ku dhinteen.
Wararka saaka la helayo degmada Guriceel ayaa waxay sheegayaan in dhinacyada dagaalamay ay weli isku hor-fadhiyaan degmada, isla markaana ay kala joogaan Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Guriceel.
Dadka yar ee ku haray Guriceel ayaa sheegay in mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah, sidoo kalena laga cabsi qabo in dhinacyadu ay markale dagaalaamaan maadaama aysan jrin cid ku kala dhex jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments