Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay xaqiijinta qoontada haweenka iyo doorka odayaasha

DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay xaqiijinta qoontada haweenka iyo doorka odayaasha

Wasarada Haweenka maamul Goboledka Soomaaliyeed ee Gamudug ayaa Maanta waxay magaalada Dhuusmareeb ee caasimada maamulkaas ku soo gaban gabeysay Aqoon kororsigaan ku sabsanaa doorka odayasha dhaqanku kaqadan karan xaqiijinta qoondada Haweenka ee 30% ah.
Tababarkaan oo wajigiii koobaad ahaa ayaa la isku waydaarsaday fikrado kala duwan oo ku saabsan habka ugu haboon ee lagu heli karo in dumarka qoondada loo qorsheeyay ku yeeshaan goleyaasha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan xildhibaanada golaha shacabka oo la qorshaynayo inay dhawaan doorashadoodu dhaco.
Madax ka tirsan maamulka Galmudug qaybaha kala ee bulshada deegaanka iyo qaar ka mid ah odayaasha saxiixayaasha ah ayaa sheegay inay muhiim tahay in dumarka qoondadooda la xaqiijiyo.

Wasriika haweenka maamulka galmudug Ubax Xuseen Dhiblaawe oo ugu danbayntii madasha ka hadashay ayaa bulshadii ka qayb gashay tababarkaan kula dardaarantay inay doorkooda ka qaataan xaqiijinta qoondada dumarka ee 30 boqolkiiba waxayna sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamtay boqolaalka qaoysaska ah eek a barakacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgduud halkaasoo dhibaatada ugu badan ay haweenka iyo dhalaanku wajahayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments