Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Wafdi ka socda ECOWAS oo Mali booqanaya

Wafdi ka socda ECOWAS oo Mali booqanaya

Madaxweynaha dalka Ghana Nana Akufo-Addo oo ah guddoomiyaha jaaliyadda dhaqaale ee wadamada galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa u sheegay maamulka talada dalka Mali haya in doorashada lagu dhawaaqay inay dalkaas ka dhacayso bisha labaad ee sanadka danbe ay wakhtigeeda ku dhacdo.
Madaxweynaha Ghana ayaa dhanbaalkaan gaarsiiyay ninka awoodda badan ee lagu magacaabo Colonel Assimi Goita intii ay socdeen wada hadallada ka dhacay magaalada Bamako ee caasimadda dalka Mali.
Sarkaalkan ayaa ka danbeeyay labadii afgembi ee dhawaan ka dhacay Mali wuxuuna soo dhisay dowlad ku meel gaarka oo rayid ah kadib cadaadis caalami ah oo uu la kulmay.
Xubin sare oo ka tirsan wafdiga ECOWAS ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inay farriintoodu ahayd mid uusan mugdi ku jirin oo ay si cad ugu sheegeen hogaanka wadanka Mali inay doorashadu ku dhacdo xilligii loo cayimay.
Ninka afganbiyay madaxweynihii Mali ee sanadkii hore la doortay ayaa gagida diyaaradaha magaalada Bamako kula kulmay madaxweynaha dalka Ghana sida ay madaxtooyada Mali shaacisay.
Dowladda Ghana waxay hadda haysataa kursiga meertada ECOWAS balse wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Ghana waxaa ka mid ah hoggaamiyihii hore ee dalka Nigeria Goodluck Jonathan oo dhexdhexaadiye ka ah dhibaatooyinka Mali.
Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo Faransiisku qorshaynayo inuu dhimo joogitaankiisa milatari ee guud ahaan gobolka Saaxil tani oo dhalisay inay xukuumada Bamako billowdo ka fiirsashada sidii ay iskaashi milatari oo ku billaabanaya ilaa kun askari ay ula yeelan lahayd dowladda Ruushka.
Dowladda Faransiiska ayaa ka digtay in heshiis kasto oo Ruushka lala galo uu shaki galin doono howlgallada socda.
Ururka dalalka galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa dhankooda bishii hore ku boorriyay Mali inay dajiso jadwalka dhammaadka Oktoobar ee marxaladda muhiimka ah ka hor doorashada la qorsheeyay bisha labaad ee sanadka 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments