Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha oo ka hadlay u diyaar garowga xuska...

DHAGEYSO:Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha oo ka hadlay u diyaar garowga xuska maalinta halyeeyada

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay inuu meel wanaagsan maraya diyaar garowga ku aaddan xuska maalinta qaran ee halyeeyada ee Mashujaa Day.
Dabaaldeggan ayaa sanadkan lagu qaban doonaa ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka.
Dr. Kibicho ayaa dhanka kale waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn loo jeediyay wasaaradda oo ah inay qabanqaabada xuska maalinta qaran ee halyeeyada ay ku gacan bidixeysay dowladda ismaamulka.
Waxaa eedeyntan jeedisay barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru.
Hasa ahaate Dr. Kibicho oo gaashaanka u daruuray ayaa carrabka ku adkeeyay inay khasab tahay in la ilaaliyo hadda ay jaangoysay wasaaradda caafimaadka oo ah 2000 oo qof inay xafladaasi ka qayb galaan si aan la isugu gudbin cudurka COVID19.

Maalinta qaran ee halyeeyada ayaa sanad kasta Kenya looga dabaal degaa 20-ka bisha Tobnaad oo ku beegan Arbacada soo socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments