Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidanka dowladda Soomaaliya oo howlgal ka wada Shabeellaha Dhexe

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo howlgal ka wada Shabeellaha Dhexe

Generaal Maxamed Axmed (Tareedisho) Taliyaha qeybta 27-Aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kormeer shaqo ku marayay fariisimaha ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka shabeelle dhexe ayaa tagay deegaanka xaaji Cali iyo Degmada Warshiikh ,waxaana uu intii kormeer uu ku jiray uu sarakiisha ciidanka xoogga dalka kula dar daarmay inay xoojiyaan howl-galada lagu baad baadinayo Shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaa la idinka rabaa idinkoo uturayo shacabka inaad sii labo jibaartaan howl-galada lagula dagaalamayo cadowga ummada Soomaaliyeed ee Al-Shababaab’’, ayuu yiri.
Generaal Maxamed Axmed Tadeerisho Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo sidoo kale kormeer ku tagay xeraha deegaanka Qolidhoow oo ay ka howl-galaan ciidamada AMISOM gaar ahaan saktarka 5-aad ee ciidamada Burindi ayaa la qaatay kulan gaar ah oo diirada lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa howl-galada ka dhanka Al-Shabaab, isla markaana loogu xoreyn lahaa deegaannada fara ku turiska oo ay ka joogaan gobolka shabeellaha dhexe.
Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed Tareedisho ayaa sheegay in dhamaan howl-galadii ka socday gobolka shabeellaha dhexe lagu guuleystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments