Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wamalwa oo wareejiyay xilka wasiirka dowlad wadaajinta

Wamalwa oo wareejiyay xilka wasiirka dowlad wadaajinta

Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Eugene Wamalwa ayaa si rasmi ah u wareejiyay jagadii uu horay u hayay ee ahayd wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta.
Waxaa xilkan kala wareegay Charles Keter ee madax ka ahaa wasaaradda tamarta ee dalka.
Mr. Wamalwa ayaa sidoo kale waaxda qaabilsan horumarinta deegaanada oomanaha ee loo yaqaano ASALs iyo barnaamijyada gaarka ah ku wareejiyay Margaret Kobia oo wasaaradeeda dhawaan la hoos geeyay.
Mr. Eugene ayaa saaxiibada horumarka ee Kenya iyo golaha barasaabyada dalka ugu baaqay inay sii wadaan wada shaqeyntii hoose ee ka dhexeysay.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments