Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maxkamadda sare oo sharci darro ku sheegtay barnaamijka kaarka Huduma

Maxkamadda sare oo sharci darro ku sheegtay barnaamijka kaarka Huduma

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay go’aan ah in hannaankii lagu daahfuray adeegga Huduma Number uu ahaa mid aan waafaqsanayn sharciga marka la eego xeerka sanadkii 2019-kii ee ku saabsan ilaalinta macluumaadka.
Waxaa go’aankan ku dhawaaqay garsoore Jairus Ngaah oo hoosta ka xarriiqay in aan qiimeyn lagu sameyn saameynta ka dhalan karto qorshahan ka hor inta aan la billaabin.
Hasa ahaate waxay maxkamaddu mid aan micno lahayn ku tilmaantay racfaan loo gudbiyay oo lagu doonayay in lagu joojiyo adeegga karaka Huduma maadaama dowladda dhexe ay horay ugu sii tallaabsatay oo ay jiraan shakhsiyaad kaararkan la siiyay.
Machadka Katiba Institute ayaa maxkamadda geeyay kiis uu ku dalbaday in barnaamijkan la istaajiyo hasa ahaate dowladda dhexe ayaa racfaan ka qaadatay taasoo ugu dambeyn go’aan laga soo saaray.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayay maxkamaddu ku amartay inay la timaado qaab qiimeyn ah oo lagu xaqiijinaya in nidaamkan uunan wax saameyn ku yeelan doonin ilaalinta xogaha khaaska ah ee muwaadiniinta dalka.
Huduma Number ayaa looga gol-leeyahay in dadweynaha loogu fududeeyo helidda adeegyada aasaasiga ee dowladda iyadoo hal kaar uu qofku u isticmaali karo in waxyaabo badan loogu qabto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments