Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Kulan dowlada Soomaaliya iyo midowga Africa yeelan lahaayeen oo dib u dhacay

Kulan dowlada Soomaaliya iyo midowga Africa yeelan lahaayeen oo dib u dhacay

Kulan farsamo oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socda Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) oo la filaayey inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa dib u dhacay, kaddib markii sida la sheegay la isku raaci waayey ajendaha looga hadli lahaa kulankaasi.
Kulanka waxaa shir-guddoomin lahaa Wasiirka wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Fiona Lortan, oo ah Agaasimaha Maaraynta Khilaafaadka ee wadamada Midowga Afrika.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horay u soo saartay baaq ka dhan ah go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika kaasoo la xiriiray sii joogitaanka Soomaaliya ciidanka ka socda dalalka Midowga Afrika.
Dhanka kale, xubnaha ka socday Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa iyagana dhankooda sheegay inay ku adkaysanayaan qodobbada Baaqa ah ee golaha amniga iyo Nabada Midowga Africa ka soo baxay 7 bishaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments