Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Raila Odinga oo socdaal ku tagay Turkana

DHAGEYSO:Raila Odinga oo socdaal ku tagay Turkana

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa maanta ololihiisa siyaasadeed geeyay ismaamulka Turkana ka hor inta uunan u sii gudbin Isiolo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in haddii sanadka 2022-ka uu ku guulaysto hoggaanka ugu sarreeya dalka uu wax badan ka qaban doono sugidda amniga ismaamulkaasi.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa dhanka kale tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in maalgelin wayn lagu sameeyo adeegyada biyaha ee Turkana iyo dowlad deegaanada kale ee ay abaaruhu ku soo noqnoqdaan.

Madaxa xisbiga ODM ayaa qaybaha kala duwan ee dalka ku tagaya socdaallo uu taageero ugu raadinaya ololihiisa ku saleysan mideynta dadweynaha .
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa isagoo ku sugan ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta dhankiisa sheegay in hadda lagu baraarugay muhiimadda ay leedahay in nolol ahaan kor loo soo qaado danyarta.
Waxaa uu xusay in la joogo xilligii shaqo abuur loo sameyn lahaa dhallinyarada si ay dhaqaale ahaan isugu filnaadaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments