Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Shacabka Islii oo looga digay inay qaab rabshadeysan uga falceliyaan go’aanka badda...

DHAGEYSO:Shacabka Islii oo looga digay inay qaab rabshadeysan uga falceliyaan go’aanka badda ee maxkamadda ICJ

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi Axmad Sheekh Cabdullahi oo ku magacdheer Xaaji Yare ayaa bulshada ugu baaqay in aynan maanta sameyn tallaabo ay kaga falcelinayaan go’aanka la filayo inuu ka soo baxo maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ ee ku aaddan dacwadda badda taasoo u dhexeysa dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maanta si wayn loo sugi doono ammaanka xaafadda oo cidii iskudayda inay khalkhal geliso xasiloonida laga qaadaya tallaabo sharciyeed.

Xoghayaha guud ee guddiga ganacsatada xaafadda Islii Cumar Ibraahim Xuseen ayaa dhankiisa shacabka ku boorriyay inay mas’uuliyad shakhsiyadeed iska saaraan ilaalinta amniga maadaama haddii ay rabshad dhacdo ay saameyn ku yeelanayso dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee xaafadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments