Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Sidee u aragtaa in inta badan dhul badeedkii ay sheegatay Kenya la...

Sidee u aragtaa in inta badan dhul badeedkii ay sheegatay Kenya la diiday?

Maxkamadda Caalmiga ee cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee ahayd inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.
Doodda labada dal ayaa ahayd, ayada oo Soomaaliya uu mowqifkeedu ahaa in xadeynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysan xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.
Maxkamadda ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal, Sida ka muuqata xariiqda cusub, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, waxaana loo xukumay Soomaaliya. Hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata ka dib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka.
Dhul badeedkii la isku hayey ayaa dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah.
Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aanka Maxkamadda. Kenya ayaa sidoo kale marar badan ku guul-darreystay isku day ay ku dooneysay in wada-hadal lagu dhameeyo kiiska.
Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments