Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo isbeddel ku sameynaysa daryeelka bukaannada dhimirka

Dowladda oo isbeddel ku sameynaysa daryeelka bukaannada dhimirka

Dowladda dhexe ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in isbeddel lagu sameeyo hannaanka caafimaad ee lagu daryeela bukaannada qabo xanuunnada dhimirka.
Tallaabooyinka ay dowladdu qaadayso waxaa ka mid ah in la dhiso xarumo casri ah oo loogu adeegaya bukaannadan si meesha looga saaro sinnaan la’aanta dhanka daweeynta kenyaanka.
Dr. Catherine Syengo Mutisya oo ah khabiir sare oo la tacaasha xanuunnada dhimirka kana shaqeysa wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in lagu guda jiro geeddisocodka dhaqangelinta tallaabooyin muhiim ah .
Waxay sheegtay in lagu dadaalaya sidii loo qafiifin lahaa culeyska dhanka caafimaadka dhimirka ee uu sii adkeeyay cudurka faafaya ee COVID-19.
Sidoo kale waxay xustay in dhawaan isbitaalka Mathare ee dhimirka laga furi doono qayb uu dhismaheedu maalgeliyay bangiga adduunka.
Dr. Catherine ayaa laga soo xigtay in mid ka mid ah afartii qof uu noloshiisa wajaho xaalad caafimaad oo dhanka dhimirka ah.
Waxay intaasi ku dartay in boqolkiiba 20 ee dadka qaangaarka ah iyo dhallinyarada ku nool Kenya ay la nool yihiin xanuun maskaxeed oo inta badan ka dhasho murugo badan.
Cilmi baaris la sameeyay ayaa dhanka kale tilmaamaysa in boqolkiiba 50 ee dadka isbitaallada u raadsado daryeel caafimaad ay qabaan xanuun dhanka dhimirka oo aan la ogaan.

Maanta oo kale waxaa caalamka laga xusaa maalinta caafimaadka dhimirka si loo abuuro wacyigelin ka dhan ah xanuunadan iyo ka hor taggooda.
Hal ku dhigga xuska maalinta adduunka ee dhimirka ee sanadkan ayaa ah “Mental health in an unequal world” oo loola jeedo caafimaad maskaxeed duni sinaan la’aan ka jirto dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments