Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 95 qof oo Kenya looga helay cudurka COVID19

95 qof oo Kenya looga helay cudurka COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangelisay xaaladaha cusub ee cudurka COVID19 oo dhan 95.
Kiisaskan ayaa laga soo saaray 3,334 dheecaan oo laga baaray cudur sidaha corona.
Tirada guud ee xaaladaha xanuunka ee Kenya ayaa hadda ah 251,152 .
Dadka ugu dambeeyay ee maanta laga helay corona, 86 ka mid ah waa Kenyaan halka 9 ay ajaaniib yihiin.
Dhanka jinsiyadda waxay isugu jiraan 56 rag iyo 39 haween ah oo ay da’doodu u dhexeyso canug dhallan hal bil iyo qof 95 sano jir ah.
Kiisaska maanta ayaa laga kala xaqiijiyay ismaamullada Nyamira 14, Nairobi 11,Nakuru 10, Garissa 9, Nyeri 9, Turkana 7,Kiambu 5,Marsabit iyo Kisii min 4 xaaladood,Machakos iyo Uasin Gishu min 3 xaaladood,Kitui, Kakamega iyo Laikipia min 2 xaaladood halka Bomet, Busia, Embu, Kirinyaga ,Murang’a, Nandi, Narok, Nyandarua, Siaya iyo galbeedka Pokot laga diiwaangeliyay min hal xaalad oo cusub.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sidoo kale sheegay in 172 bukaan oo dheeraad ah ay cudurka covid19 ka bogsadeen.
138 ka mid ah tiradan ayaa lagu hayay guriyaha halka 34 laga saaray isbitaallada.
Tirada guud ee dadka uu haleelay cudurka ee ka caafimaaday ee Kenya ayaa ah 243,944 .
Wasiir Kagwe ayaa intaa ku daray in aan la diiwaangelin dhimasho dheeraad oo ka dhalatay caabuqa corona sidaas awgeedna tirada guud ee dhimashada ay weli tahay 5,181.
Waxaa COVID19 qabo oo isbitaallada dalka ku jiro 762 bukaan halka 1,788 lagu daryeelaya guriyaha.
Qaybaha daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da waxaa lagu daweeynayaa 47 bukaan in kastoo aynan jirin cid xaaladeeda caafimaad si gaar ah isha loogu hayo.
Tani iyo markii wasaaradda caafimaadka ee dalka ay billowday inay bixiso tallaalka ka dhanka ah caabuqa corona ilaa iyo shalay waxay adeegsatay 4,183,552 oo ah dawooyinka tallaalka.
3,135,700 ayaa qaatay qayb ka mid ah tallaalka halka dadka si buuxda looga tallaalay cudurka COVID19 gudaha dalka ay tiradoodu tahay 1,047,852.
Wasaaradda caafimaadka ee Kenya waxay sheegtay in dadka waawayn ee si buuxda u qaatay tallaalka ka dhanka ah corona ay tiradoodu u dhiganto boqolkiiba 3.8.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments