Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo magaalada Hague u tegay kiiska badda

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo magaalada Hague u tegay kiiska badda

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed (Khadar ) ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand.
Ujeedka Wafdiga ayaa waxaa uu yahay inay gooboog ka noqdaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa ka kooban, Xeer ilaaliyaja Qaranka Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmad Cali Daahir, Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Xubno kale.
Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa isha ku haya go’aanka Maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqi doonto, iyada oo dowladda Kenya ay sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aanka kasoo baxa Maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments