Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 2 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Bomet

2 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Bomet

Shil ka dhacay ismaamulka Bomet ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen labo qof iyadoo 11 kale ay ku dhaawacmeen.
Shilka ayaa laga soo tabiyay waddada wayn ee xiriirisa magaalooyinka Bomet iyo Sotik waxaa uuna yimid ka dib markii nooca gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda uu ku dhacay cagaf-cagaf maraysay meel u dhow aagga Sachangwan
Taliyaha booliska ee bartamaha Bomet Musa Omari Imamai ayaa sheegay in dadka dhintay uu ka mid yahay wadihii mataatuuda oo ku geeriyooday isbitaalka Tenwek Mission Hospital xilli laga daweeynayay dhaawacyo culus oo gaaray.
Imamai ayaa intaa ku daray in baaritaanada hor dhaca ah ay muujinayaan in taraktada ama cagaf-cagafta ay shilka sababtay.
Shil kale oo la soo tabiyay ayaa waxaa ku dhintay wade dhugdhugleey ka dib markii ay ku dhacday mataatuu maraysay Sotik waxaana hadda socdo baaritaano ku aaddan dhacdadaasi.
Taliyaha booliska ee bartamaha Bomet ayaa gaadiidleyda isticmaalaya waddadaasi oo aad u mashquul badan ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments