Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Raila Odinga oo soo dhaweeyay manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC

Raila Odinga oo soo dhaweeyay manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga, ayaa soo dhaweeyay manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC.
Waxaa uu xusay in wax kasta cusub marwalba hadal hayn ay ka dhalato, balse uu sheegay in waddamada qaarkood sida Koonfur Afrika, Tanzania, Rwanda ay horaan dhaqangeliyeen manhajka CBC islamarkaana ay haatan adeegsadaan.
Mr. Odinga ayaa dhanka kale xusay inay muhiim tahay in wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha inuu tixgeliyo dhammaan aragtiyada iyo walaacyada ay waalidiinta ka muujiyeen manhajka cusub ee CBC.
Waxaa uu intaa ku daray in aragtiyada kala duwan ee ka dhanka ah manhajka CBC ay tahay caafimaad islamarkaana ay tahay in la dhiirrigeliyo si qof walba oo Kenyaan ah uu u dareemo in fikirkiisa la tixgeliyo
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka ee Prof. George Magoha, ayaa sheegay in dowladda ay diiradda saareyso sidii loo maalgelin lahaa manhajka CBC.
Waxaa uu xusay in inkasta oo arrinta ku sabsan manhajka CBC ay taallo maxkamadda, haddana dowladda aysan ka laaban doonin nidaamka waxbarasho ee cusub inkasta waalidiinta ay walaac ka muujiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments