Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Mid ka mid ah xildhibannada Somaliland oo ka digay in la tarxiilo...

Mid ka mid ah xildhibannada Somaliland oo ka digay in la tarxiilo dalka kasoo jeedda Koonfurta Soomaaliya

Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa sheegay in maamulka gobollada waqooyi uga digayaan in mar kale la tarxiilo dadka kasoo jeedda Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan degaannada jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Mudane Maxamad Abiib oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in ceeb iyo fadeexad ay ka dhalatay dadkii sida qasabka ah looga saaray Magaalada Laascanood ee gobolka Sool.
Waxaa uu sheegay in dastuurka Somaliland ay si weyn uga soo horjeeday tilaabada ay qaaday xukuumadda Somaliland ayna halis galisay sumcaddii jamhuuriyadaasi.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay in aysan marna aqbalin dadka ku sugan magaalooyinka kale ee Somaliland in la soo saaro dadka kasoo jeedda Koonfurta Soomaaliya oo degaanada ay ka yimaadeen wali ay ka jiraan colaado.
Somaliland ayaa dhawaan Magaalada Laascaanood kasoo masoo furisay dad ku dhow labo kun oo ruux oo ay sheegtay in falal amni darro oo ka dhacay magaalada Laascaanood ay qeyb ka ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments