Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ciraaq oo doorasho hordhac ah ka socoto

Ciraaq oo doorasho hordhac ah ka socoto

Iyada oo lagu wado in 10-ka bishan ee ku beegan maalinka Axadda ah in wadanka Ciraaq looga dareero doorashooyinka baarlamaaniga ah ee dalkaasi ayaa dhanka kale waxaa loo oggolaaday in ciidamada ammaanka, maxabiista ku jira xabsiyada iyo muwadiniinta dalkaasi ee ku barakacay gudaha wadankaasi inay cododkooda sii dhiban karaan maanta.
Dorashadan lagu soo dooranayo xubnaha baarlamaanka wadanka Ciraaq, ayaa noqoneysa midii shanaad tan iyo marki dulaankii uu Mareykanka hoggaaminayay uu ku qaaday wadankaasi sanadkii 2003-dii islamarkaana xukunka looga tuuray hoggaamiyihi hore ee dalkaasi Saadaam Xuseen.
Codbixiyeyaasha reer Ciraaq ayuu qorshuhuu yahay inay soo doortaan 329 kursi oo uu ka kooban yahay baarlamaanka wadankaasi.
Ku dhawaad 600 oo xurumood oo laga dhiibanayo cododka doorashada horudhaca ah ayaa xilli hore oo saaka ah ka furmay guud ahaan gobollada dalkaasi.
Waxaa taagan shaki xoogan oo laga qabo in tiro badan oo codbixiyeyaal ah ay u soo bixi wayaan doorashadan cabsi amni awgeyd
In ka badan 25million oo reer Ciraaq ah ayaa isu diiwaangeliyay doorshadan inay cododkooda ka dhibtaan.
Doorashada ayaa dhanka kale laga dhawaajiyay in muhiimad gooni ah ay u leedahy dadka reer Ciraaq oo ay tiradooda garayso 40 million qof oo u badan dhallinyaro.
Musharrixiinta doonaya inay ka qayb qataan dorashada ayaa gaaraya 3,240 kuwaas 950 ka mid ah ay dumar yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments