Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamo horleh oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Ciidamo horleh oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareebee caasimadda Galmudug ka dagtay diyaarad siday ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor .
Ciidamada oo horay u joogay magalada Dhuusamareeb ayaa dhawaan laga soo qaaday, hayeeshee maanta ayaa dib loogu celiyay, waxaana ay ka tirsan yihiin Ururka 5-aad ee Gorgor.
Wararka laga helay Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada ay ku biireen oo ay xoojin u noqonayaan ururka 13-aad, Guutada 17-aad ee kumaandooska oo hore Dhuusamareeb u joogay.
Waraka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamadaan ay ka mid noqonayaan Ciidamada ay dowladda Soomaaliya u diyaarisay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo howlgalka dib loogu soo celinayo gacanta dowladda degmada Guriceel oo ay la wareegeen ciidamo taabacsan Ahlusunna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments