Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xoolo dhaqatada oo taageero u muujiyay Raila...

DHAGEYSO:Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xoolo dhaqatada oo taageero u muujiyay Raila Odinga

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamullada xoolo dhaqatada sida Mandera, Wajeer, Garissa, Isiolo iyo Marsabit ayaa shalay sheegay inay sanadka 2022-ka taageeri doonaan madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynenimo.
Barasaabkii hore ee Wajeer Axmad Cabdullahi oo akhriyay qaraarka ka soo baxay go’aanka ay qaateen madaxda ayaa yiri

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ayaa ku baaqay in hadii Raila Odinga uu sanadka dambe ku guulaysto hoggaanka ugu sarreeya wadanka uu wax ka qabto saameynta abaarta, helidda aqoonsiga qaran, isku dhacyada xuduudda iyo si guud baahiyaha ka jiro ismaamullada lagu tilmaamo oomanaha.

Raila Odinga ayaa dhankiisa aqbalay taageerada loo ballanqaaday isagoo xusay in caqabadda ugu wayn ee ka jirto deegaanada xoolo dhaqatada ay tahay biyo yarida .
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in shacabka waqooyi bari aynan cidna marti u ahayn oo ay leeyihiin xuquuq la siman kenyaanka kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments