Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweyne Uhuru oo soo dhaweeyay in la baaro hanti la sheegay inuu...

Madaxweyne Uhuru oo soo dhaweeyay in la baaro hanti la sheegay inuu dibadda ku leeyahay

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa soo dhaweeyay waraaqaha baaritaanada ee loo yaqaano Pandora ee shaaca looga qaado hantida qarsoon ee lagu keydsaday akoontiyada wadamada kale.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday eedeyn loo jeediyay qoyska madaxweynaha oo ah inay hanti qiimaheedu yahay ballaayiin shilin ugu jirto akoon dibadeed.
Mr.Kenyatta ayaa tilmaamay in eedeynta oo baaritaan qoto dheer lagu sameeyo ay xoojinayso isla xisaabtanka iyo daahfurtaanta.
Hasa ahaate si cad ma uusan uga jawaabin faahfaahinta ku aaddan in qoyskiisa uu ilaa 3 bilyan oo shilin ku keydsaday akoontiyo dibadda ku yaalla iyadoo loo marayo shirkado dhowr ah.
Waxaa uu sheegay keliya in warbixinta oo dabagal lagu sameeyo ay daaha ka qaadayso shakhsiyaadka aan caddeyn hantidooda.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaa ku daray in daahfurnaan dhanka maaliyadda ah looga baahan yahay Kenya iyo si guud caalamka.
Bayaanka madaxtooyada dalka waxaa qayb ka ah in mugdi badan uu daboolo lacagaha sida qarsoodida ah la isugu diro iyo dhaqaalaha laga macaasho falal dambiyeedyada iyo musuqmaasuqa
Mr. Kenyatta ayaa ballanqaaday inu marka uu ka soo laabto safarkiisa Maraykanka si rasmi ah uga jawaabi doono eedeynta taabanaysa qoyskiisa.
Warbixinta waxaa soo saaray xiriirka caalamiga ee wariyaasha baaritaanada dabagalka ah sameeya ee (ICIJ).
Waxaa warbixinta ku cad in dhowr ka mid ah hoggaamiyaasha dowladaha Jordan , Azerbaijan, Kenya iyo Czech Republic ay ballaayiin doolar ku kaydsadeen dibadda dalalkooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments