Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Raila Odinga oo ka hadlay abaarta iyo caqabadaha dhallinyarada ee qaadashada kaarka...

DHAGEYSO:Raila Odinga oo ka hadlay abaarta iyo caqabadaha dhallinyarada ee qaadashada kaarka aqoonsiga ee gobolka waqooyi bari

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo shalay gaaray ismaamulka Garissa ee gobolka waqooyi bari ayaa wareysi gaar uu siiyay warbaahinta maxalliga ee radio Kulmiye ayaa wax laga weydiiyay xaaladda abaarta ee ka jirta ee qayb ka mid ah wadanka gaar ahaan dowlad deegannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs, wuxuuna ku jawaabay sidatan

Dhallinyarada gobolka waqooyi bari ayaa intaa badan la kulma caqabado gaar ahaan marka ay doonayaa inay qaataan kaarka aqoonsiga qaranka.
Ra’iisul wasaairihii hore ee dalka oo arrinkan wax laga weydiiyay ayaa sheegaya in dhallinyaro badan ay iska diiwangeliyeen hannaanka hay’adda qaxootiga ee UNHCR si ay gargaar u helaan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dalka uu xuduud la leeyahay waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya islamarkaana ay qaxooti badan dalka soo galeen.
Waxaa uu soo jeediyay in guddoomiye ku xigeennada xaafadaha laga doonaya inay aqoonsadaan dhallinyarta u dhalatay dalka si loogu fududeeyo bixinta kaarka aqoonsiga qaranka ee loo yaqaano ID

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments