Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Algeria oo u yeeratay safiirkeedii Faransiiska

Algeria oo u yeeratay safiirkeedii Faransiiska

Dowladda Algeria ayaa lagu soo warramayaa inay dib ugu yeeratay safiirkii ku matalayay dalka Faransiiska.
Tallaabadan ayay u aaneysay in aan weli la iska fogeyn hadal ay dowladaasi qoonsatay oo loo tiiriyay hoggaamiyaha Faransiiska Emmanuel Macron.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan galinkii dambe ee shalay ka soo baxay madaxtooyada Algeria.
Safiirka loo yeeray ayay lala yeelan doonaa wada tashi dheeraad ah.
Waxay tani ku soo beegmaysaa iyadoo ay xasaarad ka dhalatay go’aankii dowladda Faransiiska ay ku yeraysay dal ku galka ay siiso muwaadiniinta wadamada Algeria, Morocco iyo Tunisia.
Algeria ayaa ku doodaysa in aan la soo koobi karin dembiyada ay gaysatay dowladda Faransiiska xilligii ay dalkaasi guumeysatay oo ayna u dhigmaan xasuuq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments