Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Booliska Kilifi oo baaraya dhimashada labo qof oo xiriir ka dhexeyay

DHAGEYSO:Booliska Kilifi oo baaraya dhimashada labo qof oo xiriir ka dhexeyay

Ciidamada booliska ee ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta ayaa lagu soo warramayaa inay baaritaan ku hayaan dhimashada labo qof oo la sheegay inuu xiriir jaceyl ka dhexeyay.
Tani ayaa timid ka dib markii shalay subax uu soo baxay tuhun ah in lamaanaha ay naftooda ka takhaluseen iyagoo iska soo tuuray dabaqa shanaad .
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay degmada Mtwapa ee ismaamulka Kilifi .
Magacyada labada qof ayaa lagu kala sheegay Lucy Nyokabi oo 23 sano jir ah iyo qof kale oo oo loo yaqaano ‘rastaman.’
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in meydadka shakhsiyaadkan ay ka muuqdaan dhaawacyo ka soo gaaray falka ay ku kaceen abaare 3-dii aroornimo.
Qaar ka mid ah shacabka degmadaasi ayaa arrinkan warbaahinta uga warramay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments