Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Laba sarkaal boolis oo lagu dhaawacay degmada Ol Moran ee Laikipia

DHAGEYSO:Laba sarkaal boolis oo lagu dhaawacay degmada Ol Moran ee Laikipia

Wararka naga soo gaaraya degmada Ol Moran ee ismaamulka Laikipia ayaa sheegaya in labo sarkaal boolis lagu dhaawacay degmadaasi ka dib koox burcad oo weerar kusoo qaaday.
Saraakiisaha ayaa aagaasi ka hayay sugidda amniga si ay u badbaadiyaan nolosha shacabka iyo hantidooda ee dowlad deegaanka Laikipia.
Waxaa weerarka ay burcadda soo qaaday ka badbaaday guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala ismaamulkaasi John Orata.
Mid ka mid saraakiisha uu dhaawaca soo gaaray ay ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.

Saraakiisha booliska ayaa haatan lagula dabiibaya isbitaalka degmad Ol Moran.
Laikipia ayaa ka mid ah meelaha inta badan laga soo tabiyo dagaallada salka ku haya dhaca xoolaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments