Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Galmudug

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Galmudug

Xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay ee Galmudug ayaa saaka deegan, iyadoo shalay galinkii dembe uu magaalada Dhuusamareeb gaarey madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.
Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa bilaabay kulamo xal loogu radinaayo xaaladda Murugsan ee deegaanada maamulka Galmudug.
Waxaa uu xalay la kulmay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka waxaana uu kala hadlay sidii laga yeeli lahaa ururka Ahlusunna ee qabsaday degmada Guriceel iyo talaabooyinka la qaadi doono.
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dadaal ay ku bixin doonaan sidii xal loo heli lahaa loogana baaqsan lahaa in dagaal uu ka dhaco gobolka Galgaduud.
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan aqbali doonin urur hubeysan in ay qabsadaan magaalooyinka oo ay jabiyaan heshiiskii lagu dhisay maamulka Galmudug.
Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka jirta degaanada maamulka Galmudug gaar ahaan magaalada Guriceel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments