Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Soomaaliland oo gudi u saartay dilalka Laasacaanood

Soomaaliland oo gudi u saartay dilalka Laasacaanood

Waxaa xalay xilli dambe Magaalada laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool gaaray Xubno Guddi ah oo ka socda Soomaaliland, kuwaasoo baaritaano ku sameeynaya waxa sababa dilalka ka dhaca Magaaladaas.
Guddiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxaa wehliya wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, wasiirka xanaanadda xoolaha iyo Kaluumaysiga Taliyayaasha guud ee Militeriga iyo Booliiska Soomaaliland, xildhibaano & xubno kele oo ka tirsan laamaha kala duwan ee Somaliland.
Xubnaha guddigaan ayaa waxaay baaritaano ku sameyn doonaan dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada laas-caanood waxyaabaha sababay iyo sababta keentay in aan la qaban dadka dilalka u geysta mas’uuliyiinta ka tirsan Somaliland ee ku sugnaa Magaalada laas-caanood.
Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in Guddigaan uu ka rajeynayo inay gorfeeyaan xaaladaha amniga, horumarka Gobolka iyo sida looga hortegi kara dilalka soo laab laabtay ee Gobolka Sool ka dhaca.
Xubnaha guddiga Somaliland u dirtay inay baaritaan ku saneeyaan dilalka ka dhaca Magaalada laas-caanood ee xarunta gobolka ayaa waxaay kulamo la qaadan doonaan maamulka Magaalada, Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada amaanka.
Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland, waxaana dilkii ugu dambeeyay ee dhacay horaantii Bishaan loo geystay Xubin ka tirsaneyd Golaha degaanka Magaaladaaas-caanood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments