Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo war ka soo saaray shirka COMESA oo uu...

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo war ka soo saaray shirka COMESA oo uu ka qeyb galay

Wasiirka wasaaradda cadaalada Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta ka qeyb-galay shirkii 24-aad ee Wasiirada Cadaaladda iyo Xeer Ilaaliyayaasha waddamada ku bahoobay Suuqa Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) oo ay Soomaaliya xubin ka tahay, laguna qabtay aaladda fogaan aragga ee Zoomka.
Wasiirka ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri , “Waxaan uga warbixiyey horumarada ay Soomaaliya ku talaabsatay dhanka Cadaaladda iyo Garsoorka, sida dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka, Guddiga Qaran ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ku biirista Sharciyada Caalamiga ah ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa (UN, AU, Arab League) imw,” .
Qoraalka wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan sidoo kale la wadaagnay qorshaha istaraatiijiyadda shanta sano ee aan diyaarinay mudadii aan xafiiska joognay iyo caqabadaha heysta guud ahaan bahda Cadaaladda dalkeenna.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments