Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda Kenya oo bilaabaysa hawlgalo ka dhan ah ajaaniibta ka timid wadanka...

Dowladda Kenya oo bilaabaysa hawlgalo ka dhan ah ajaaniibta ka timid wadanka Pakistan

Dowladda dalka waxay amartay in la soo xiro ajaanibta sharci darada dalka ku jooga kuwaas oo ka yimid wadanka Pakistan.
Muwaadiniin badan oo u dhashay dalka Pakistan ayaa soo galay Kenya kuwaa soo isku kala qeybiyay ismaamulada Nairobi,Machakos iyo Kajiado.
Xukumadda dalka ayaa sheegtay in dadkan ka soo jeeda Pakistan ay u sii socdaan dalka Sacuudi Carabia iyagoona doonaya inay kaga gudbaan dalkani Kenya.
Xog’hayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha dalka Karanja Kibicho ayaa sheegay in tirada dadka ajnabiga ah ee ka yimid Pakistan ay aad u badan yihiin kuwaas oo uu sheegay in walaac badan ay abuurtay.
Waxaa uuna sheegay in dowladda ay bilaabi doonto hawlgal deg deg ah oo lagu soo qabanayo Pakistaniyiinta sharci darada dalka ku joogta.
Dr Kibicho ayaa intaas ku daray inay jirto khatar sare oo ajaanibta ku faafin karto caabuqa COVID 19.
Horay ayaa waxaa ay dowladu u sheegtay inay xadidi doonaan tirada soo galootiga ah ee dalka uga sii gudbaya wadamada kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments