Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxay isku hayaan wasiir Jamaal iyo madaxweyne Saciid Deni?

Maxay isku hayaan wasiir Jamaal iyo madaxweyne Saciid Deni?

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamad Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay waxa keenay in mar labaad Maamulka Puntland uu is hor istaag ku sameeyo ilaaladiisa ina ay galaan Magaalada Garoowe.
Wasiirka waxaa uu sheegay in xilligaan waxa ay isku hayaan Madaxweynaha Puntland ay tahay mashaariic ay dalka keeneen dowladaha Turkiga iyo Qatar, kuwaas oo intooda badan laga fuliyay Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle oo uu sheegay in aysan laheyn dekado iyo Garoomo Caalami ah sida Maamulada kale.
Madaxweynaha Puntland ayuu sheegay inay isku hayaan mashaariicda ay ka cabanayaan oo uu sheegay in uu horay u saxiixay Saciid Cabdullaahi Deni xilligii uu ahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo kamid ah Wasiirada kasoo jeeda Puntland ee taageera Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments