Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxay ka wada hadleen madaxweynaha Galmudug iyo Fahad Yaasiin?

Maxay ka wada hadleen madaxweynaha Galmudug iyo Fahad Yaasiin?

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya kulan xasaasi ahaa ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka goboleedka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo la-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Kulanka ayaa ka dhacay hoyga uu ka degan yahay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Madaxweynaha Galmudug, waxaana kulanka qeyb ka ahaa Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere iyo Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka aadka ugu dhow ee kulamada gorgortanka siyaasadeed uu u dirsado.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha weli taagan ee la xiriira khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.
Kulankaan ayaa loo arkaa in uu yahay mid Villa Somalia ay ku dooneyso in xal laga gaaro khilaafka Farmaajo iyo Rooble, waxaana Madaxweynaha Galmudug uu yahay hoggaamiyaha kaliya ee geli kara arrintaas dhowr jeerna isku dayay.
Kulankaan xalay Muqdisho ku dhexmaray la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin iyo Madaxweynaha Galmudug Axmad Qoor Qoor ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Fahad Yaasiin munaasabad ka dhacday Madaxtoiyada uu kula wareegay xilka la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments