Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Ra’iisul wasaare Rooble oo guddoomiyay shir ku saabsan howlaha doorashada gobollada...

DHAGEYSO:Ra’iisul wasaare Rooble oo guddoomiyay shir ku saabsan howlaha doorashada gobollada waqooyi

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi, maamulka dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada.
Kadib markii uu shirka soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa taliska booliska soomaaliyeed, AMISOM iyo guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi kala hadlay sugidda amniga doorashooyinka aqalka sare ee gobollada somaliland oo ka dhacaysa Muqdisho sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments