Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Uhuru Kenyatta “Kenya waxay horseed u tahay dadaallada lagu kobcinayo qaadashada tamar...

Uhuru Kenyatta “Kenya waxay horseed u tahay dadaallada lagu kobcinayo qaadashada tamar nadiif ah”

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay beesha caalamka inay taageeraan baaq wadajir ah oo ku aaddan wax ka qabashada tamarta nadiifka ah ee waddamada Kenya, Malawi iyo Netherlands.
Waxaa uu xaqiijiyay in dalka ku yaalla bariga Afrika uu sii wadi doono dadaallada hoggaamineed ee lagu kobcinayo qaadashada tamarta nadiifka ah ee adduunka.
Mr. Kenyatta ayaa soo jeediyay in beesha caalamka ay si gaar ah u maalgeliyaan hindisayaal sii dardar gelinaya helidda tamar nadiif ah oo ay helaan qoysaska dalalka soo koraya.
Waxaaa uu sheegay in Kenya ay soo gudbisay heshiis tamar ah oo nadiif ah.
Waxaa uu Intaa ku daray in Kenya ay sii wadi doonta inay hormuud ka noqoto aasaaska maalin caalami ah oo tamarta nadiifka ah si ay gacan uga geysato wacyigelinta arrinkan ku aadan.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa hadalkan ka jeediyay xalay fiidkii kalfadhiga 76-aad ee golaha loo dhan yahay ee jimciyadda qurumaha ka dhexeyso.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay ku tallaabsatay horumar weyn xagga wax soo saarka iyo qaadashada tamarta nadiifka ah.
Waxaa uu xusay helitaanka adeegga korontada ee dalka uu gaaray boqolkiiba 75 sanadkii hore ee 2020-ka marka la barbardhigo sanadkii 2013-kii uu adeegga korontada ahaa boqolkiiba 30.
Dhanaka kale xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeyso Antonio Guterres ayaa ugu baaqay waddamada inay xoojiyaan dadaallada lagu hagaajinayo waxtarka tamarta marka la gaaro sanadka 2030.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments