Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay...

Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Jugta qarax xooggan ayaa daqiiqo kahor laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay meel ku dhow Isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid Is-miidaamin ah oo u fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku qarxiyey inta u dhexeysa Isbitaalka Madiina iyo Xarunta Villa Baydhabo.
Dad goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa ka dib la maqlay rasaas farabadan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo goobta ka Ag dhawaa, kuwaasi oo durbo goobta xiray.
Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxaas Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay inta u dhexeeysa Isbitaalka Madiina iyo Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo Qoraal soo saaray ayuu sheegay in qaraxa uu geystay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uusan jirin khasaaro ka dhashay qaraxaas marka laga reebo Ninka geystay.
“24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii aliga ah isku qarxiyey inta u dhaxeysa isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu gaystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments