Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Xafiiska MD Farmaajo oo beeniyay fashilka wadahadalladii socday

Xafiiska MD Farmaajo oo beeniyay fashilka wadahadalladii socday

Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay inay fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble oo isbuucyadii dhawaa uu dhexmaray khilaaf ballaaran oo saaameyn ku yeeshay howlaha dolwadda.
Warar soo baxay mar sii horreysay ayaa muujinaya in ay guuldareysteen dadaallo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Maxamad Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble.
Dadaalkan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), sida horey loo baahiyay.
Wasiir dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Axmed Shido ayaa baraha bulshada ku faafiyay inay “fashil ku soo dhamaadeen” deadaalladii ugu dambeeyay ee lagu xallinayay khilaafka labada masuul.
Ma jira ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, balse mas’uul ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa laanta afka soomaaliga ee BBC-da u sheegay in wadahadallada ay wali socdaan, filayaana inay guul ku soo dhammaadaan
“Waxay na bogaadinayaan dadaalada guddoomiye Mursal iyo madaxweyne Qoorqoor, Waxaan ku kalsoonahay dadaalka socda in uu guul ku dhammaanayo,” ayuu yiri sarkaalaasi oo ka gaabsaday in magaciisa la sheega.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments