Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maxkamadda oo maanta go’aaminayso racfaan ay codsadeen boolis dil lagu eedeyay

Maxkamadda oo maanta go’aaminayso racfaan ay codsadeen boolis dil lagu eedeyay

Waxaa la filayaa inay maanta maxkamadda go’aan ka soo saarto codsi racfaan ah oo ay gudbiyeen 6 ka mid ah ciidamada ammaanka ee wadanka oo loo haysto inay labo wiil ku dileen ismaamulka Embu.
Wiilashan oo walaalo ahaa ayaa meydadkooda laga helay xaafadda Kianjokoma ee dowlad deegaankaas ka dib markii ay gacanta ku dhigeen booliska.
Eedeysanayaasha ayaa iska fogeeyay dacwadda lagu soo oogay ee ah inay dil gaysteen waxayna maxkamadda u sheegeen in labada wiil ay iska tureen baabuur si xowli ah u socday maadaama la qabtay iyagoo aan u hoggaansamayn amarka bandowga habeenkii.
Saraakiisha booliska ee kiiskan loo haysto ayaa kala ah Benson Mbuthia, Consolata Kariuki ,Nicholas Nicholas Sang Cheruiyot, Martin Msamali Wanyama, Lilian Cherono Chemuna iyo James Mwaniki .
Sidoo kale maxkamadda sare ayaa horay u diiday codsi ay gudbiyeen oo ay ku doonayeen in la soo saaro meydadka wiilasha si qallin baaritaan ah loogu sameeyo oo loo xaqiijiyo sababta dhabta ah ee keentay inay geeriyoodaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments